DASTUURKA UMMAH
Qeexitaan
• Adeegga Aasitaanka ee Ummah waxaa la aasaasay 01/03/2012.
• Waxaa loo aasaasay arrimaha Aasida/Duugista waxaana xubin ka noqon kara qofkasta oo soo buuxiyay shuruudaha xubinnimada.
• Adeegaa Aaska Um mah waxaa xubin ka noqon kara dadka ku nool Gobalka Midland oo kaliya.
QODOBKA 1aad: Magaca iyo Ciwaanka
• Magaca Ururka: Ummah Wellbeing Services
• Ciwaanka: 12 Whitmore Road, Small Heath, Birmingham, B10 0NP
QODOBKA 2aad: Awoodda Ururka
Awoodda lskaashiga Um mah waxay ku kooban ta hay oo keliya adeegyada aaska iyo wixii la xariira, mana qabaneyso wax ka baxsan dhaqanka islaamka.
QODOBKA 3aad: Cidda noqon karta xubin
Xubinnimadu waxay u furan tahay:
• Qof kasta oo asal ahaan Soomaali ah.
QODOBKA 9aad: lsticmaalka lacagta xubin-nimada
• Lacagta ururka looma isticmaali karo aas qof aan xubin ahayn.
• Lacagta xubinnimada qofkii codsada in loo soo celiyo looma soo celinayo hadii aay dhaafto 14 casho laga bilaabo malintii uu bixiyey.
• Lacagta xubinnimada waxaa loo isticmaalii karaa hawlaha shaqo ee iskaashiga Um mah iyo arrimaha Aaska oo kaliya.
• Lacagtani ma aha caymis (insurance premium).
QODOBKA 10aad: Lacag-bixinta Geerida ka dib
Haddii qof qeeriyoodo waxa lacagta loo shubayaa Hay’adda aastay, Haddii ay leedahay account, Haddii kale sidii suurta gal ah ee waafaqsan sharciga waddankan UK.
QODOBKA 11 aad: Luminta Xubinnimada
Qofka wuxuu xubin-nimadisa waayi karaa:
1. Haddii uu iskii uga baxo Aaska Ummah.
2. Haddii uu lacagta xubin-nimada bixin waayo, waqtigii loogu tala galay.
3. Haddii aanu run ka sheegin foomka uu buuxiyay, marka uu xubinta noqday.
QODOBKA 12aad: Ogeysiisyada iyo Cusboonaysiinta
• Xubnaha waxaa loo soo diri doonaa xusuusin afar toddobaad ka hor inta aysan xubinnimadoodu dhicin. Haddii uu intas lacagta lagu bixin waayo waxaa loogu kordhinayaa 15 maalmood oo dheeri ah. Haddii weli lacagta labixin wayo, qofku xubinnimada wuu waayayaa.
• Qofka marwalba waxaa lagu la xiriirayaa (SMS) ama WhatsApp.
• Qofka hadii uu badelo teleefanka ama ciwaanka waa inuu lasoo socodsiiyaa ( Xafiska Ummah ).
QODOBKA 13aad: Dukumentiyada loo baahan yahay Geerida ka dib
Si loo helo lacagta aaska, waa in la keenaa:
1. Shahaadada dhimashada (Death Certificate). 2. Baasaboorka qofka dhintay.
3. Caddeynta ciwaanka qofka dhintay ee saddexdii bilood ee u dambeeyay.
4. Carruurta dhintay: Caddeynta Child Benefit, Child Tax Credit, ama caddeyn muujinaysa inuu ku jiray dugsi/kulliyad/jaamacad.
Haddii uu qofku ku guul daraysto inuu keeno cadaymaha aan soo sheeghay wax lacag ah ma heli doono
QODOBKA 14aad: Kaalmada Dawladda
Haddii qofku xaq uleeyahay in dawladu kabixiso lacagta aaska (funeral benefits), waa inuu codsadaa lacagtaas. Haddii dawladdu ay kharashka aaska ka bixiso, qofkaasi waa inuu soo celiyaa lacagtii ay Ummah ka bixisay.
QODOBKA 15aad: Carruurta dhalata iyagoo mayd ah (dhiciska) (Stillbirths}
Lacagta ururku waxay daboolaysaa kharashka ilmaha dhashay isagoo mayd ah oo keliya haddii waalidku ay xubin ahaayeen ugu yaraan saddex bilood.
QODOBKA 16aad: Cadadka lacagta ay bixinayso Ummah
1. Hadii qofku ku geeriyoodo meel ka baxsan Birmingham, Ummah waxay bixisaa kharash la mid ah kan ku baxa aaska Birmingham.
2. Ummah ma bixiso kharashka qaadista maydka (repatriation) ee xubnaha ku geeriyooda meel ka baxsan UK.
3. Geerida ka dhacda Aasiya, Afrika, Yurub, Ameerika, ama Australia, kharashka aaska ee deegaankaas waxaa la
bixinayaa oo keliya haddii qofka dhintay uu xubin ka ahaa Ummah ugu ya raan lix bilood.
4. Kharashka aaska ay bixinayso Ummah wuxuu ku kooban tahay: Qabriga, gaariga maydka qaada (hearse), kafanka, iyo dhaqidda maydka. Wixii kharash ah oo intaas ka baxsan lama bixinayo.
