Policy Somali

DASTUURKA UMMAH

Qeexitaan

Aaska Ummah waxaa la aasaasay 01/03/2012.
Waxaa loo aasaasay arrimaha Aasidda/Duugista, waxaana xubin ka noqon kara qof kasta oo soo buuxiya shuruudaha xubinnimada.

Adeegga Aaska Ummah waxaa xubin ka noqon kara dadka ku nool Gobolka Midlands oo kaliya.


QODOBKA 1aad: Magaca Ururka iyo Cinwaankiisa

Magaca Ururka: Ummah Wellbeing Services
Cinwaanka: 12 Whitmore Road, Small Heath, Birmingham, B10 0NP


QODOBKA 2aad: Awoodda Ururka

Awoodda Iskaashiga Ummah waxay ku egtahay aasitaanka iyo wixii la xiriira, mana qabaneyso wax ka baxsan dhaqanka Islaamka.


QODOBKA 3aad: Xubinnimada

Yaa xubin ka noqon kara Iskaashiga Ummah?

  • Qof kasta oo asal ahaan Soomaali ah

  • Haddii lammaanaha isqaba midkood Soomaali yahay

  • Qoys ka kooban Aabbe, Hooyo, iyo carruurtooda oo isku cinwaan ah isla markaana isku dhaqaale ah

  • Haddii carruurtu shaqeeyaan, waa inay si gooni ah xubin u noqdaan

  • Reer ka kooban Aabbe iyo Hooyo oo aan carruur lahayn

  • Qof keligiis ah oo 18 sano ka weyn

Shuruudaha Xubinnimada Buuxda

Qofku si uu xubin buuxda u noqdo waa inuu buuxiyaa shuruudahaan:

  • Waa inuu haystaa aqoonsi (ID) sida Passport ama Driving Licence

  • Waa inuu soo caddeeyaa cinwaankiisa saddexdii bilood ee ugu dambeysay, sida:

    • Biilasha

    • Council Tax Bill

    • Warqadda Child Benefit

  • Waa inuu soo buuxiyaa foomka Ummah, isla markaana bixiyo lacagta xubinnimada

Qof xanuunsan ama jiif ku ah gurigiisa ama ku jira isbitaal xubin kama noqon karo ilaa xaaladdiisa caafimaad ka soo rayneyso.

Qof aan degganayn UK xubin kama noqon karo Iskaashiga Ummah.

Xubin kasta oo katirsan Iskaashiga Ummah meel kasta oo uu u guuro wuu sii wadan karaa xubinnimada, haddii uu si joogto ah u bixiyo lacagta xubinnimada.

Dadka doonaya inay xubin noqdaan waa inay akhriyaan xeerka Ummah ka hor inta aysan xubin noqon.

Qofkii xubinnimada ku soo buuxiya online wuxuu xubin buuxda noqonayaa 45 maalmood kadib laga bilaabo maalintii uu bixiyay lacagta.


QODOBKA 4aad: Xubinnimada Ummah

(Waxaa maamula dastuurka iyo xeerarka Ummah)


QODOBKA 5aad: Lacagta Xubinnimada

Large Family – £100 sanadkii

Waxaa ka mid noqon kara:

Waalidiin iyo carruurtooda isku cinwaan ah, sida:

  • Carruurta shaqeysa

  • Carruurta aan shaqeyn

  • Carruurta waxbarashada ku jirta

  • Carruurta yaryar

Small Family – £70 sanadkii

Waxaa ka mid noqon kara:

Waalidiin iyo carruurtooda isku cinwaan ah, sida:

  • Carruurta waxbarashada ku jirta

  • Carruurta yaryar

Qof Keligiis ah – £50 sanadkii

Shuruudo Dheeraad ah

  • Lacagta Ummah laguma aasi karo qof aan xubin ka ahayn

  • Lacagta xubinnimada lama soo celinayo haddii qofku ka baxo

  • Lacagta xubinnimada waxaa loo adeegsan karaa hawlaha Iskaashiga iyo arrimaha aaska

  • Lacagta xubinnimada ma aha caymis

Haddii qof dhinto, lacagta waxaa loo shubayaa hay’adda aaska fulisay haddii ay leedahay akoon bangi. Haddii kale, waxaa loo bixinayaa si waafaqsan sharciga UK.


QODOBKA 6aad: Lumidda Xubinnimada

Qofku wuxuu lumin karaa xubinnimadiisa haddii:

  • Uu iskiis uga baxo Ummah

  • Uu bixin waayo lacagta xubinnimada

  • Uu bixiyo xog aan sax ahayn marka uu buuxinayo foomka

  • Uu ku dhammaystiri waayo foomka iyo bixinta lacagta muddo 15 maalmood gudahood ah

  • Uu ka jawaabi waayo warqad ama farriin loo diray

Dhicitaanka (Expiry) Xubinnimada

Marka xubinnimadu soo dhowaato dhicitaan, waxaa la xasuusinayaa muddo afar usbuuc ah.
Haddii aan lacagta la bixin, waxaa loo kordhinayaa 15 maalmood oo dheeraad ah.
Haddii weli aan la bixin, xubinnimada waa la luminayaa.


QODOBKA 7aad: Waxyaalaha laga rabo Qoyska laga Geeriyooday

Qoyska laga geeriyooday waxaa laga rabaa:

  • Shahaadada dhimashada (Death Certificate)

  • Baasaboorka qofka dhintay

  • Warqad caddeyneysa cinwaanka qofka saddexdii bilood ee ugu dambeysay

Haddii qofka dhintay uu carruur yahay, waxaa laga rabaa caddeymo sida:

  • Child Benefit

  • Child Tax Credit

  • School / College / University

Haddii aan la keenin caddeymahaas, Ummah wax lacag ah ma bixinayso.

Qodobo Dheeraad ah

Haddii qoyska laga geeriyooday ay helaan kaalmada dowladda, waa inay dalbadaan Funeral Support Payment kadibna dib ugu celiyaan Ummah lacagtii ay bixisay.

Ilmo caloosha ku geeriyooda waxaa Ummah ka bixinaysaa kaliya haddii waalidku ugu yaraan saddex bilood xubin ka ahaa Ummah.

Qof kasta oo ku dhinta gudaha UK, Ummah waxay ka bixineysaa oo kaliya kharashka aaska ee Birmingham.

Haddii xubin Ummah ka tirsan ku geeriyoodo meel ka baxsan UK, Ummah kama bixinayso kharashka lagu soo qaadayo.

Qof ku dhinta Asia, Africa, Europe, America, ama Australia waxaa laga bixin doonaa kharashka aaska ee meesha uu ku dhintay, haddii uu ugu yaraan lix bilood xubin ka ahaa Ummah. Haddii kale, wax kharash ah lama bixinayo.

Meel kasta oo uu qofku ku geeriyoodo, Ummah waxay ka bixineysaa oo kaliya kharashyada aaska sida:

  • Godka ama xabaasha

  • Gaariga lagu qaadayo maydka

  • Kafanta iyo mayrista

Wixii ka baxsan intaas kor ku xusan, Ummah kama qayb qaadanayso.