Policy Somali

DASTUURKA UMMA

Qeexitaan:

  • Aaska Ummah waxaa la’aas aasay 01/03/2012, wuxuuna ka furanyahay UK, hawshiisana waxay tahay Aasidda xubnaha soo buuxiyay shuruudaha xubinnimada.

  • Adeegaa Aaska Ummah waxa uu markii hore ka hawl geli jiray Gobalka Midland oo kaliya, laakiin hadda waxa uu ka hawl galaa UK oo dhan.

QODOBKA 1aad: Magaca ururka iyo Cinwaankiisa

  • Magaca ururka: Ummah Wellbeing Services

  • Cinwaanka : 12 Whitmore Road, Small Heath, Birmingham, B10 0NP

QODOBKA 2aad: AWOODDA URURKA

Awoodda Iskaashiga Ummah waxay ku egtahay aasitaanka iyo wixii la xariira, mana qabaneyso wax ka baxsan dhaqanka Islaamka.

QODOBKA 3aad: XUBINNIMADA

Yaa xubin ka noqonkara Iskaashiga Ummah?

  • Waxaa xubin noqonkara qofkasta oo asal ahaan Soomaali ah.

  • Haddii Lammanaha isqabaa midkood Soomaali yahay.

  • Qoys ka kooban Aabbo, Hooyo iyo Caruurtooda oo isku cinwaan ah, iskuna dhaqaala ah.

  • Haddii ay Caruurta shaqeyso iskood ayay Xubin u noqonayaan.

  • Reer ka kooban Aabbo iyo Hooyo oo aan Caruur lahyn.

  • Qof kaligiis ah oo 18 sano ka wayn.

  • Qofka si uu xubin buuxda u noqdo waa in uu soo buuxiyaa shuruudahaan:

  • Waa in uu haystaa aqoonsi(ID). Aqoonsigu wuxuu noqonkaraa passport ama Driving licence.

  • Waa in uu soo caddeyaa cinwaankiisa saddaxdii Bilood ee ugu danbeysay. Wuxuuna ku caddeynkaraa sida: Biilasha, council tax bill ama warqadda child benefit.

  • Waa in uu qofku soo buuxiyaa foomka Ummah, lacagtii xubin-nimadana bixiyaa.

  • Qofka xanuunsan ama Jirran ee jooga gurigiisa ama ku jira Dhaqtarka xubin kama noqon karo Iskaashiga Ummah, inta xaaladdisa caafimaad ay ka wanaagsanaaneyso.

  • Qof aan degganeyn UK xubin kama noqonkaro Iskaashiga Ummah.

  • Xubin kasta oo katirsan Iskaashiga Ummah meelkasto oo ay u guurto way sii wadan kartaa xubin-nimada, Haddii uu si joogta ah u bixinaayo xubin- nimada.

  • Dadka doonaya in ay xubin ka noqdaan Umma waxaa laga rabaa in ay aqriyaan Xeerka Ummah, ka hor intaaney xubin ka noqonin.

  • Qofkii Xubin-nimada ku soo buuxiya Online, waxa uu xubin buuxda noqonkaraa 45 casho ka dib, laga soo bilaabo maalintii uu lacagta bixiyay.

QODOBKA 4aad: Xubin-nimada Caruurta

  • Caruurta waxbaradhada ku jirta sida: skool, college ama university waxay la xubinyihiin waalidkooda.

  • Caruurata waxbarashada dhammeysatay oo la nool waalidkooda isla markaana aan wax shaqa ah haynin waalidku waxa uu bixinayaa £20 oo xubin-nima ah sanadkii.

  • Caruurta haddi ay shaqeeyaan oo ay la noolyihiin ama ay la cinwaanyihiin waalidkooda waxay bixinayaan £30 oo xubin-nima ah sanadkii.

  • Caruurta haddii ay ka guuraan guriga waalidkiis waxa uu bixinayaa

£30 oo xubin-nima ah sanadkii.

QODOBKA 5aad: Lacagta Xubin-nimada:

  • Xubin-nimada Qoyskii waa £50 sannadkii.

  • Xubin-nimada Qofka kaligii ah waa £30 Sanadkii.

  • Lacagta Ummah lagama Aasikaro Qof aan xubin ka ahayn Iskaashiga.

  • Lacagta Xubin-nimada sanadkii lama soo celinaayo haddii uu ka baxo qofkii xubinta ahaa.

  • Lacagta Xubin-nimada waxaa loo isticmaali karaa hawlaha shaqo ee Iskaashiga iyo arrimaha Aaska.

  • Lacagta Xubin-nimada ma ahan lacag Caymis ah.

  • Haddii Geeri timaado iyadoo uu Accoun ka Iskaashiga uu maranyahay, guddiga iskaashiga waxay lacag ka soo ururin doonaan xubnaha ummah.

  • Haddii qof dhinto waxa lacagta loo shubayaa Hayadda aastay, Haddii ay leedahay account, Haddii kale sidii suurta gal ah oo waafaqsan sharciga waddankan UK.

QODOBKA 6aad: Qofka Xubin-nimadiisa ma waayi karaa ?

1. Qofku wuxuu xubin-nimadiisa waayikaraa:

  • Haddii uu iskii uga baxo Aaska Ummah.

  • Haddii uu lacagta xubin-nimada bixinwaayo.

  • Haddii aanu run kasheegin foomka uu buuxiyay.

  • Haddii uu soo dhamaystiri waayo foomka bixinna waayo lacagtii Xubin- nimada muddo 15 casho gudahood ah.

  • Haddii qofku uu ka soo jawaabi waayo warqad loo diray ama cod loo duubay.

2) Marka ay soo dhawaato dhicitaankii (expiry) xubin-nimada, waxaa la xasuusinayaa muddo Afar Usbuuc(week) ah, Haddii uu intaas lacagta ku bixin waayo waxaa loo kordhinayaa 15 casho. Haddii uu qofku weli bixinin lacagtii Xubin-nimada wuu waayayaa.

QODOBKA 7aad: Waxyaalaha laga rabo Qoyska laga geeriyooday:

  • Qoyska laga geeriyooday waxaa laga rabaa in ay keenaan:

  • Shahaadada Dhimashada (death certificate).

  • Qofka dhintay basaboorkiisa.

  • Warqad caddeyneyso Cinwaanka qofka geeriyooday degganaa saddexdii bilood ee ugu danbeysay.

  • Haddii qofka geeriyooday uu Caruur yahay waxaa laga raba in Qoyskiisu keeno caddeeymo sida:

  • Child benefit

  • Child Tax credit

  • School

  • College

  • University

Haddii aan la keenin Caddeymahaas kor ku qoran Iskaashiga Ummah wax lacag ah ma bixineyso.

  • Haddii Qoyska laga geeroyooday ay qaataan kaalmada Xukumadda (Benefit) waxaa laga rabaa in ay dalbadaan kaalmada Duugitaanka/Aaska , kaddibna lacagtii ay ka bixisay Ummah ay dib ugu soo celiyaan.

  • Ilmaha caloosha hooyada ku geeriyooda oo uu waalidkiisu Xubin ka ahaa Ummah, waxay ka bixinaysaa oo kaliya haddi uu Waalidku ugu yaraan Saddax Bilood xubin ka ahaa Ummah.

  • Qof kasta oo ku dhinta UK dhaxdiisa waxay Ummah ka bixineysaa oo kaliya lacagta laga bixiyo Qofka ku dhinta Birmingham.

  • Haddii Qof katirsan Xubnaha Ummah uu ku geeriyoodo meel ka baxsan UK, Ummah ma ka bixineyso Qarashka lagu soo qaadaayo.

  • Qofka ku dhinta, Asia,Africa,Europe,America iyo Australia

waxaa laga bixin doonaa kharashkii ku baxay meeshii uu kun Dhintey. laakiin Qofkaasi waa in uu ku jiray lix bilood (6 bilood) Iskaashiga Ummah, hadii kale laga bixin maayo wax kharash ah.

  • Meelkasta oo uu Qofku ku geeriyoodo Ummah waxay ka bixineysaa kharashka aaska oo kaliya sida:

  • Godka ama Xabaasha

  • Gaariga lagu qaadaayo maydka

  • Karfanta iyo Mayrista.

Wixii intaas kor aan ku soo sheegnay aan ahayn Ummah kama qaybqaadanaay